“SSC-Khaatumo oo Daahfurtay Adeegga Casriga ah ee Bileedhada, Liisanka Darawalnimada iyo Buuga Gaadiidka”
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah ugu daahfurtay magaalada Buhoodle adeegga cusub ee bileedhada, liisanka darawalnimada, iyo buuga gaadhiga. Daahfurka ayaa lagu soo bandhigay bileedhada cusub, kuwaas oo ah kuwo casri ah kana turjumaya dedaalada maamulka ee dhinaca maamulka gaadiidka.
Adeegyadan cusub ayaa ah kuwo loogu talagalay in lagu wanaajiyo nidaamka diiwaangelinta iyo maamulka gaadiidka ee SSC-Khaatumo, iyadoo lagu dhiirigelinayo in dhammaan gaadiidleyda iyo darawalada ay helaan shahaadooyin iyo rukhsado sharci ah.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay sugidda nidaamka amniga waddooyinka iyo tayeynta maamulka gaadiidka. Sidoo kale, bulshada deegaanka ayaa lagu boorriyey inay ka faa’iidaystaan adeeggan si loo hubiyo in gaadiidka lagu wado sharciyad sax ah.