Heemaal News Network

SSC-Khaatumo Oo Noqotay Maamulka Ugu Horeyay Ee ilaa TikTok Shariciigu ka Shaqeeyo.

Ciidanka Booliska Qaybta G.sool Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Dumar Isdagaalay Oo Live Tiktok Iskugu Balansaday Banaanka Magaalada Laascaanood.

Dumarkan Ayaa Ciidanku Gacanta Kusoo Dhigeen Iyagoo Ku Gudajira Dagaalkii Ay Isku Balansadeen.

Shacabka Xaafada Sayidka Ayaa Kusoo Wargeliyey Ciidanka Booliska Halka Uu Dagaalku Ka Socdo Iyagoona Ciidanku Halkaasi Ka Howlagalay Isla Markaasna Gacanta Kusoo Dhigay Dumarkii Dagaalamayey.

Ciidanka Boolisku Waxay Digniin Udirayaan Dhalinyarada U Isticmaasha Barasha Bulshada Sida Khaldan Isla Markaasna Kawada Dhaqan Xumo Kahor Imaanaysa Diinteena Suuban Iyo Xeerarka Dalka U Yaala Cidii Falalkaasi Lagu Soo Qabtana La Horgayn Doono Sharciga.