Heemaal News Network

SSC Oo Gacanta ku Dhigtay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Ee Somaliland

Ciidanka Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Maamulka SSC ayaa gacanta ku soo dhigay Axmed Diiriye Burcad oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland

Ciidanka ayaa sheegay iney heleen xogta ninkan oo ku maqnaa Magaalada Hargeysa Dhawaana soo Galay Degmada Laascaanood, kaasoo dhasho ahaan ka soo jeeda deegaanada SSC.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ninkan la soo taagayo maxkamad si loogu ciqaabo dembiyo ay ku eedeynayaan inuu galay.

“Horgal Axmed Diiriye Burcad mudadii Deegaanka ay joogeen ciidamadii Somaliland Deegaanka wuxuu ka galay danbiyo waana ninkii ka dambeeyey in 21-6-2022 Weriye Cabbaas Madani Hooyadii Tv-ga Khasab uga hadasho raaligelinna siiso Somaliland ayuu yiri sarkaal ka tirsan lamaha amanka SSC.