Heemaal News Network

Sudan: Jeneraal Burhaan Oo Madaxtooyo Cusub Magaalo aan Khartuum ahayn ka Dhiganaya

Militariga Sudan ayaa sheegay in hogaamiyahooda General Abdel Fattah al-Burhan, uu u rarayo xarun madaxeedkiisa magaalada Omdurman, oo ah magaalo weyn oo deris la ah caasimadda Khartoum.

War laga sii daayay taleefishinka oo uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Jeneraalka uu dhawaan u hoggaamin doono ciidamadiisa magaaladaas. Ciidanka ayaa horraantii usbuucan ku sii siqaya Omdurman ka dib markii ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay haysteen xoogaga RSF ah ee Ka soo horjeeda.

Jeneraal al-Burhaan ayaa tan iyo markii uu ka tagay Khartoum waxa uu saldhig ku lahaa magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, iyadoo dagaaladu ay sii kordheen laga soo bilaabo sannadkii horer. Weriyeyaasha ayaa sheegaya in u dhaqaaqista Omdurman ay muujinayso xoojinta doorka ciidankiisa ee halkaas.