Wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐๐๐ง ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ซ๐๐ก๐ฆ๐๐ง ๐๐ฅ-๐๐๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.
Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.
โSharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah, waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,โ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.
Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay heyโadaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.