Heemaal News Network

Suuriya oo yeelatay Wasiirro cusub oo ay ku jirto haweeney Kirishtan ah

Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac ayaa magacaabay golaha wasiirrada ee dawladda kumeel-gaarka ah ee Suuriya. Golaha wasiirrada ayaa ka kooban 23 xubnood , oo metalaya qeybaha bulshada kunool dalka Suuriya.

Golaha wasiirrada ee uu soo dhisay Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac, waxay dhammaantood leeyihiin aqoonta iyo khibrada jagooyinka ay ku shaqeynayaan, waxaa ku jira 11 wasiir oo ka socda bulshada rayidka, hal haweenay ah ayaa ka mid ah wasiirrada oo ka soo jeeda bulshada masiixiyiinta Suuriya oo loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, waana wasiirka kaliya ee ka socda masiixiyiinta Suuriya. Bulshada Kurdida ayaa iyaguna hal wasiir ka helay oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada. Calawiyiinta waxay heleen hal wasiir oo ah wasiirka Gaadiidka. Bulshada Turkmen, waxaa metalaya hal wasiir oo loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta, halka bulshada Druze uu xukuumadda cusub ku metalayo, wasiirka Beeraha. Cidda kaliya ee aan xukuumadda ka soo muuqaan, waa bulshada ugu tirada yar Suuriya oo ah 3% ee firqada Shiicada ka tirsan ee Ismaaciiliya. Inta kale wasiirrada waa sunniga Carabta ah.

Wasiirrada ugu miisanka culus ee xukuumadan waxay ka socdaan kooxda uu hoggaamiyo, Axmed Sharac ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), kuwaasoo hoggaaminayay ololaha xukunka looga tuuray Bashaar Al Assad, iyagoo qaatay xilalka kala ah ; Arrimaha Dibadda, Difaaca, Arrimaha Gudaha, iyo Cadaaladda.

14 wasiir oo ka tiran xukumadda Sharac , horey wax xiriir ah ulama lahayn HTS, halka sagaalka wasiir ee kale ay horey uga tirsanaayeen HTS. Waxaa golaha wasiirrada Suuriya , sidoo kale ka soo muuqday 4 wasiir oo xukuumadihii ka horreyay sannadkii 2011, markii kacdoonka Suuriya uu bilowday, xilal wasiiro ka soo qabtay nidaamkii Bashaar Al-Assad, waliba waxay hayaan jagooyin muhiim ah oo kale ah ; wasiirrada Gaadiidka, dhaqaalaha iyo maaliyadda.

Suuriyiinka ayaa soo dhaweeyay qaab dhismeedka dawladda kumeel-gaarka ah , halka aqoonyahannada Suuriya ay ku sheegeen Sharac , inuu ka sare maray aragtid ay ka qabeen qaabka uu usoo xulayo wasiirradiisa, iyagoo sabab uga dhigay khibrada ay shaqooyinka u leeyihiin xubnaha la magacaabay.