Heemaal News Network

Taliska Booliiska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Askari Dhirbaaxo la Dhacay Gabar yar

Askarigan oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayaa goordhowd la xidhay ka dib markii uu baraha bulshada ka soo muuqday isagoo gabadh dhalinyaro ah u gacan qaadaya.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Bol-Askari Hadi Cumar Baadi, kaasi oo Gabadh yar dhirbaxaya baraha bulshada lagu faafiyay ,arintaasi oo baal-marsan anshaxa iyo dhaqanka Ciidanka Booliska JSL. ayaa lagu yiri war qoraala oo kasoo baxay taliska booliiska somaliland

Eedaysanaha waxa loo degdeg loo horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada.