Heemaal News Network

Taliska Guud ee Ciidanka Poilce SSC Oo War Kasoo Saarey Geerida Dulqarneyn.

Waxaan halkan uga tacsiyeynayaa Qoyskii, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuun Cabdiqani Axmed Dihaal (Dulqarneyn)oo ku geeriyooday cisbitaalka weyn ee Magaalada Laascaanood 19 July 2024.

Marxuukaas oo u geeriyooday dhaawac tooray ah oo soo gaadhay 12 July 2024 abaaro 3 galabnimo, oo uu geystay Eedaysane IBRAAHIM MAXAMED CAWED ina QAMAR GELLE, 55 jir ah oo ku dhashay Degmada WidhWidh ee Gobolka Cayn.

Goobta marxuunmka lagu dhaawacay oo ahayd degmada WidhWidh ee Gobolka Cayn, dhaawacaas oo sababay geerida marxuunka.

Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan Eedaysanaha magaciisu kor ku xusan yahay, sida ugu dhakhsaha badanna Loo hor geyn doono Sharciga si loo waafajio Cadaaladda.