Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee Puntland ayay ku sheegeen in ay Taliska Miraale ku qabteen hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kacay iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah, hawlgalkaasi oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan firxadkii Daacish.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo maanta toggii iyo Ceelkii Miiraale ku qaaday dagaal dhul iyo cirba leh oo ay fulinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa saaxiibbada caalamka ee duqaynta toosan ayaa si rasmi ah ula wareegey Taliskaasi” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF.
“Sharwadayaal gaaraya 15-qof ayay ciidamadu ku dileen inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baallade ka hor inta aanay firxan, waxaana ay ciidanku cagta-cagta u saareen firxadkooda kala firdhaday.Taliska Miiraale ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey oo khawaariijta Daacish gacantooda ku harsanaa fadhiisimaha ay ku lahaayeen Calmiskaad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.
Qabashada Taliskii Miraale ayaa ka dhigan in uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, siday sheegtay dowladda Puntland”Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday.”