Heemaal News Network

Taliyaha Booliiska Oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha howlgalada gaarka ah ee dowladda Mareykanka Colonel David Haskell.

Labada taliye ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed , la dagaalanka kooxda argagsxisada ah ee Al- Shabaab iyo arrimo dhawr ah.

Waxa uu ballanqaaday Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Maraykanka in ay dhankiisa in door muhiim ah ay ka qaadan doonaan taageerida ciidanka booliska & xasilinta amniga guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku amaanay Mareykanka doorkooda taageerada ay siinayaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa kulanka ka dib waxa uu ku soo wareejiyay Mr Haskell qaybaha hogganada taliska booliska Soomaaliyeed ,iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay soo booqdaan xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka boliiska.