Taliyaha Booliiska Somaliland Oo Adiss-ababa kula Kulmay Dhigiisa Itoobiya.(Sawiro) April 27, 2024 Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa safar shaqo ku tegay dalka Ethiopia isagoo la kulmay dhiggiisa Ethiopia General Demelashe G/Mechiel. Ujeedda safarkan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wadahadleen iskaashiga amniga iyo tabarrada labada Ciidan, waxaana Kulankaasi Taliyaha ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.