Heemaal News Network

Taliyaha Booliiska Somaliland Oo Adiss-ababa kula Kulmay Dhigiisa Itoobiya.(Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa safar shaqo ku tegay dalka Ethiopia isagoo la kulmay dhiggiisa Ethiopia General Demelashe G/Mechiel.

Ujeedda safarkan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wadahadleen iskaashiga amniga iyo tabarrada labada Ciidan, waxaana Kulankaasi Taliyaha ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.