Ciidanka Pakistan , waxay dhawaan ku guuleysteen dagaalkii ugu adkaa taariikhda ee ka dhaca hawada,inta uu socday iska horimaadkii ay la galeen Hindiya , markaa oo labada dalba ay masaafo ka yar 100 km u adeegsadeen wax ka badan 500 diyaaradood, taa oo ka dhigtay iska horimaadkii ugu halista badnaa ee labo dal ku dhex mara hawada. Pakistan ayaa soo riday lix diyaaradood, waxayna duuliyayaasha Pakistan noqdeen kuwa xirfad sarreeya ee dagaalka ku guuleystay.
Iska horimaadkaa kaddib, waxaa badan fikrada duuliyayaasha ciidanka cirka Pakistan inay ka mid yihiin kuwa ugu xirfada sarreeya caalamka , si la mid sida sirdoonka Pakistan uu u noqday kuwa ka horreeya CIA, MI6 iyo Mossad, oo ka dhigtay kuwa ugu sarreeya caalamka.