Heemaal News Network

Taliyaha Milatariga Dalka Talyaaniga Oo Muqdisho soo Gaaray.(Sawiro)

Taliyaha Milatariga Dalka Talyaaniga Genaral Luciano Portolano, ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiisha Milatariga Soomaaliya.

Soo dhoweyn kadib taliyayaasha labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga labada Ciidan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Generaal Luciano Portolano ayaa bogaadiyey guulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka waxa loogu yeeray argagaxisada iyo xaqiijinta amaanka dalka.

Waxaa uu sheegay inuu magaalada Muqdisho u yimid sidii xoojin lahaa iskaashiga Ciidamada talyaaniga iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo is dhaafsiga khibradaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Dowladda Talyaaniga Generaal Luciano Portolano ayaa mudada uu joogo magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee DF iyo saraakiisha ciidanka.

Talyaaniga ayaa taageero siiya milatariga Soomaaliya waxaana mar sii horaysay uu ku taageeray milatariga diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo hada ciidanku u adeegsadaan howlgalada ka dhan ah argagixisada dalka ku soo duushay.