Heemaal News Network

Taliyaha Milatariga Somaliland Oo Abu Dubai kaga Qayb-galay Shir Difaaca iyo Iskaashiga Amniga Looga Hadlayay

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa ka qayb-galaya Masrax Caalami ah oo ah oo lagu soo ban-dhigo tiknoolajiyadda dhinaca Difaaca iyo Iskaashiga Amniga oo lagu qabtay magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkan caalamiga waxa ka soo qeyb galay in ka badan 860 qof oo isugu jira madax iyo masuuliyiin dawladeed oo heer qaran iyo heer gobol ah oo ka kala socda 65 waddan.

Carwadan bandhiga caalamiga ah oo ay martigelisay dawladda Imaaraadka Carabta oo 17 bishan February 2025 ka furmay magaalada Abu Dhabi, socona doona ilaa 23 bishan, waxa kaloo goob-joog ka ah shirkadaha dunida ee soo saara qalabka difaaca, hubka iyo tignoolajiyadda ciidammada iyo wershadaha waaweyn ee ka shaqeeya soo saarista agabka kala duwan ee loo adeegsado difaaca dalalka adduunka, iyadoo ay dawladda Imaaraadka Carabtuna shirkaasi ku martiqaaday Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo ka wakiil ah ciidammada millatariga Somaliland.

Carwadani waxa ay xoojin doontaa awoodda difaaca Qaranka Somaliland, waana mid kobcin doonta iskaashiga Caalamiga ah, helitaanka tababarro iyo tiknoolajiyadeed oo heer sare ah iyo dhisida iskaashiyo istiraatijiyadeed oo dhinaca amniga ah.