Heemaal News Network

Taliye Ciidan iyo Askar loo Xiray Dil iyo Afduub Habeenno kahor ka Dhacay Muqdisho

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay taliyihii saldhigga booliiska degmada Hiliwaa iyo askar kale, kuwaa oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dil iyo afduub habeenno kahor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kiiska dilka iyo afduubka loo geestay ganacsade Abuukar Gaabax oo dhacay 22 Bishan Febraayo ayaa lugaha la galay saraakiil ciidan iyo askar , kaddib baaritaanno ay sameeyeen ciidanka dambi baarista booliiska Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha saldhiga Booliska degmada Huriwaa uu u xiran yahay falkaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay uuna soo maleegay naftiisa shirqoolka, waxaana taliyaha lagu soo xiray caddeymo ay bixiyeen rag kiiskan loo xiray.

Camerooyin CCTV oo ay leeyihiin hey’addaha amniga ayaa laga arkay dhaq dhaqaaqii kooxdii afduubka geysatay oo isticmaalayay gaariga marxuumka iyo gaariga kooxda shirqoolka soo maleegtay oo isaga kala gooshay illaa shan degmo oo ugu dambeyn halkii laga helay meydka Marxuumka oo ahaa deegaanka Garasbaaley.

Falkan dilka ah ayaa sidoo kale la tuhmayaa in uu ka dhashay dad ganacsi waddaag ahaayeen marxuunka la dilay, kuwaa oo khilaaf soo kala dhax galay,ragga dilka geestay ayaa la sheegay in markii hore qorshaha ahaa in lacago akoonkiisa ku jira ka qaataan, balse markii ay suurto galiwaysay ayey ganacsadaha dileen.

Taliyaha iyo dadka kale ee u xiran kiiska dilka ayaa waxaa ku socda baaritaanno dheeraad ah, waxaana la filayaa in maxkamad la horkeeno dadka lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin kiiska afduubka ka bilowday kuna dhammaaday dilka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Somaliyed Oo Su’aalo la Weydiiyey.(Sawirro)

Heemaaln

Madaxweyne Kuxigeenka Hir-shabeelle Oo kulan la Qaatay Saraakiisha Ciidamada ATMIS.

Heemaaln

Qarax weyn Oo Lagu Weeraray Hotel SYL iyo Rag Hubeysan Oo Gudaha u Galay

Heemaaln