Heemaal News Network

Taliye Haaruun Siciid Oo Mar kale loo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Taliye Haaruun Siciid Cali ayaa maanta mar kale dib loogu magacaabay taliyaha ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland saldhiga koowaad ee magaalada Berbera.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa lagu magacaabay taliye Haruun Siciid Cali in uu noqdo Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland, halka Taliyihii ciidamada xeebaha galbeedka Somaliland ee taliska Saylac taliye Colhaye loo magacaabay taliyaha hawl-galinta ciidamada xeebaha Somaliland.

Taliye Haaruun ayaa ah shaqsi shaqada looga maarmi waayay, islamarkaana ku suntan hawlkar-nimo u fir-fircoon shaqada qaranka, taasoo soo dedejisay in mar kale dib loo magacaabo taliye Haaruun Siciid Cali.
Taliye Haaruun waxaan leenahay Hanbalyo.