Heemaal News Network

Taliye sare Oo ka Tirsanaa Kacaanka Iran Oo la Dilay iyo Cidda lagu Tuhmayo Dilkiisa

Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada ilaalada Kacaanka dallka Iran ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday dhisme ku dhow qunsulliyada Iran iyo hoyga safiirka Iran ka degan yahay caasimada dalka Syria ee Dimishiq.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay in duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq lagu dilay Jeneral Maxamed Reza Zahedi, ninkan ayaa kamid ahaa taliyaasha sar sare ee ciidamada Kacaanka Iran.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ay arkayeen qiiq madow oo ka baxaya dhismayaal kuyaalla degmada Mezzeh ee katirsan Dimishiq , waxaana gantaalo lala dhacay dhismaha sargaalkan iyo dad kale ay ku sugnaayeen,

War uu baahiyay telefishinka Syria ayaa lagu xaqiijiyay in la duqeeyay dhismaha Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq, mana shaacin telefishinkan dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ilaalada Kacaanka Iran.

Maamulka Israa’iil ayaana lagu tuhmyaa in ay fuliyeen duqeynta lagu dilay sargaalkan sare ee u dhashay Iran, waxa ayna Israa’iil sidan oo kale uga fulisay duqeymo lagu dilay saraakiil u dhashay Iran gudaha dalka Syria.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dhulgariirkii Ugu Xoogganaa Oo ku Dhuftay Taiwan

Heemaaln