Heemaal News Network

Taliyeyaal ka tirsan Sirdoonka Israel Oo Isku Casilay Fashilka Dagaalka

Taliyihii Unugga sirdoonka Israa’iil ee 8200, Sareeye Guuto Yossi Sharel iyo taliyaha Booliiska Daanta Galbeed ee la heysto , Jen. Uzi Levy ayaa maanta is casilay , tani waa is casilaad aan caadi ahayn sababo la xiriira mas’uuliyada ay hayeen labadan sarkaal.

Fiiro gaar ah; Unugga sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaano 8200, waa kuwa ugu sarreeya sirdoonka Israa’iil, kuwaasoo mas’uul ka ah dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta iyo halka ay ku soo dhacdo xogta bariga dhexe.

Waxaa jira khilaaf u dhexeeya laamaha ammaanka Israa’iil iyo RW Netanyahu kaasoo la xiriira habka dagaalka, xilli siyaabo kala duwan is casilaada saraakiishan ay uga hadashay warbaahinta Israa’iil.

Waxaa la sheegay inay ka fogaanayaan fashilka dagaal ee ka soo billaabanaya weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar, iyadoo Netanyahu uu ku cadaadinaya saraakiisha Israa’iil inay diyaariyaan qorshe dagaal oo ay Israa’iil ku qabsanayso koonfurta Lubnaan iyo ballaarinta duulaanka Daanta Galbeed.

Dhinaca kale, Duqeyn ka dhacday koonfur-galbeed Suuriya inta u dhaxeysa magaalada Quneitra iyo Dimishiq, ayaa la sheegay inay Israa’iil ku beegsatay gaari halkaa marayay — ma cadda illaa hadda cidda gaarigaa la socotay, xilli ay Israa’iil sare marisay weerarrada ay ka geysanayso Suuriya, iyadoo ku andacoonaysa inay beegsanayso saraakiisha Iran oo ku howlan horumarin iyo diyaarinta hub mustaqbalka lagu soo weerari karo Israa’iil.