Heemaal News Network

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Sacuudiga Oo ka Shifay sir Culus

Taliyihii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Saad Al-Jabri ayaa sheegay in dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salman uu ka xaday saxiixa Aabbihiis, si uu u soo saaro amarka ay ciidanka Sacuudiga ku galeen dagaalkii Yemen.

“Waxaan la yaabnay in ay jirto amar boqortooyo oo lagu ogolaanayo faragelin dhulka ah,” ayuu Al-Jabri ayaa u sheegay BBC.

“Wuxuu ka been-abuuray saxiixa Aabbihii oo markaas awoodiisa maskaxeed ay sii xumaanaysay.” ayuu intaas ku daray.

Saad Al-Jabri, mar wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan sirdoonka Sacuudiga, khilaaf isaga iyo Maxamed Bin Salman soo dhex galay wuxuu u baxsaday oo uu masaafuris u joogaa dalka Canada.

Waxaa lagu tirayaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaad uu si gaar ah ula kulmay dhaxal-sugaha, marka uu diyaarinayay qorshaha uu ku beddelayo Sacuudiga, ee awoodda uu isku hoos keenay.

Al-Jabri si loogu soo celiyo Sacuudiga, waxaa la xiray labo carruur ah oo uu dhalay, balse taas ma sahlin inuu dib ugu noqdo