Heemaal News Network

Tallaabiyinka Uu Trump ku Dhawaaqi doono Maalmaha soo Socda.

Doonald Trump ayaa ballan qaaday inuu maalinta ugu horreysa ee xilka uu la wareego soo saari doono ilaa 200 amar fulineed saacado gudahood ka dib xafladda dhaarinta.

1: In uu tarxiil balaadhan ku samaynayo dadka sharci darrada Maraykanka ku jooga.

2: In uu xaalad deg deg ah ku soo rogi doono xuduudka Koonfureed ee uu Maraykanku la wadaago dalka Mexico oo ah derbigii ay tahriibeyaashu ka soo boodi jireen.

3: In uu Maraykanku la soo laaban doono gacanka Panama.

4: In uu ka baxay heshiiskii Cimilada ee Paris.

5: In aanu ogolaan doonin dadka jinsigooda beddela.

6: In uu dhisi doono ciidankii ugu xoogga badnaa ee Maraykanku abid yeesho.

Cafis u fidinta dadkii loo xiray rabshadihii 6-dii Janaayo ee ka dhacay Capitol Hill.