Heemaal News Network

Talyaaniga Oo ka Hadlay Sababta loo Joojiyay Dal ku-galkii Lagu bixin jiray Muqdisho

Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sheegey in hakinta ay la xidhiidho farsamo dhanka maamulka ah ayna Wasaaradda Arrimaha-dibedda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.

“Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso.” Ayuu yiri.

Safiirka ayaa ka digay in marnaba aan arrinta la siyaasadeyn.