Heemaal News Network

Tanzania Oo ku Baaqday in la Ilaaliyo Midnimada iyo Madax-banaanida Somaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba.

Labada wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Mudane Daud Aweis, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mudane January Makamba ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugula tiiraanyoodeen geeridii Madaxweynihii hore ee Tanzania Al Xaaji Sheikh Cali Xasan Mwinyi, wafdina u direen Tanzania sii uu uga qeybgalo aaska iyo tacsida hoggaamiyahaasi hore.

Mudane Makamba ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhameystirka hannaanka ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), isagoo dhanka kalena ballanqaadey in dowladdiisa ay garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya ula qabsan lahayd hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee EAC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania xusay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa ugu dambeyn ku baaqey in laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka, si diiradda loo saaro horumarka iyo haqabtirka adeegyada muhiimka ah ee shacabka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaan Maryan ā€¯Muuse Biixi kama Ogolaaneyno inuu Badeenna Beeciyo”

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Safar kugu Baxaya Itoobiya iyo Xiisada labada dal Oo Wali Taagan

Heemaaln

Booliiska Somaliya Oo War kasoo Saaray Laba Nin Oo ku Eedeysan Dilka Xaasaskoodii .

Heemaaln