Heemaal News Network

Telesom Oo Shahaadooyin Caalami ah (ISO) Lagu siiyay Nidaamyada Tayada Maamulka, Badqabka, Dhowrista Deegaanka iyo Amniga Xogta

WAR-SAXAAFADEED:
HARGEYSA – [21-02-2024] – Shirkadda Telesom ayaa ku guuleysatay shahaadooyinka ay bixiso hay’adda caalamiga ah ee International Organization for Standardizations (ISO). Shahaadooyinkan oo kala ah: Nidaamka Maamulida tayada (QMS), Nidaamka Maamulidka Caafimaadka Shaqaalaha iyo Bad-qabka Goobaha Shaqada (OHSMS), Nidaamka Dhawrista Deegaanka (EMS) iyo Nidaamka Maamulida Amniga Xogta (ISMS). Shirkadda Telesom ayaa fulisay dhammaan shuruudihii caalamiga ahaa ee looga baahnaa in laga helo shirkad isgaadhsiineed. Telesom ayaa noqotay shirkaddii koowaad ee Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka ka shaqeysa ee ku guuleystay shahaadooyinkan Caalamiga ah.

Munaasibadda dabaal-dega hanashadda shahaadooyinka caalamiga ah oo ka qabsoontay Maansoor Hotel ee magaaladda Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan oo isku jiray maamulka sare ee shirkaddaha Telesom Group, xubno ka mid ah golaha wasiiradda, xildhibaano Golayaasha qaranka ah, Culimada dalka, bahda waxbarashadda, ganacsatada, hay’addaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo marti-sharaf kala duwan.

Maamulka sare ee shirkadda Telesom ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku meel marinayaan in la raaco lana fuliyo dhammaan hal-beegyadda loo dajiyey nidaamka caalamiga ah ee ISO, iyagoo u dhameystiray qaybaha shirkadda dhammaan wixii looga bahnaa si loo dhaqan-galiyo, taasina waxay keentay in hay’adii qiimeynta ku sameeysey shirkadda Telesom ee CERTITRUST ay ku qanacday in hannaanka maamul ee TELESOM waafaqsan yahay hal-beegyadda ISO.

Muhiimadda dabaqaada Nidaamka Maamulka Tayadda ee ISO 9001:2015 Quality Management System ay leedahay ayaa ah in adeegyadda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee ay bixiso shirkadda Telesom lagu ilaaliyo heerka tayadda caalamiga ah ee looga baahan yahay shirkad isgaadhsiineed.

Ujeedada ay shirkadda Telesom u hirgelisay Nidaamka Maamulida Amniga Xogta ee ISO 27001:2013 Information Security Management System ayaa ah: horumarinta amniga macluumaadka iyo ka hortaga khataraha xogta ay masuulka uga tahay macaamiisheeda.

Sidoo kale, Nidaamka Maamulka Caafimaadka Shaqaalaha iyo Bad-qabka Goobaha Shaqada ee ISO 45001:2018 Occupational Health and Safety Management System ee ay qaadatay shirkadda Telesom ayaa ah in mid damaanad qaadaya jawi shaqo oo badbaado iyo caafimaad u leh shaqaalaha, qandaraas-layaasha iyo cid kasta oo hawl-gal shaqo ka fuliyana xafiisyadda iyo goobaha shaqada ee shirkadda.

Shirkadda TELESOM iyada oo dareensan masuuliyadda ka saaran ilaalinta deegaanka iyo ka hortaga wax kasta oo waxyeelo u geyskan kara deegaanka ayaa waxay go’aasatay inay hirgeliso Nidaamka Maamulida Dhawrista Deegaanka ISO 14001:2015 Environment Management System isla markaana u hogaansanto dhammaan shuruucda ilaalinta deegaanka iyo xeerarka khuseeya.

Ugu dambayn, shirkadda TELESOM waxay ku faraxsan tahay inay si joogta ah horumar dhinac kasta ah ku sameynayso adeegyadeeda iyo nimaadkeeda shaqo ee suurto-galiyana inay bulshadadeeda ugu adeegto hanaan tayo iyo tiknoolajiyadda sare ku dhisan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Burco Oo Lagu kala Qaatay Magta Dadkii ku Dhintay Dagaalkii Deegaanka Cali Saahid

Heemaaln

“Puntland waa lagu soo duulay waxaan ku soo Duulay Dad Itoobiyaan ah”Gen Abdulaahi Gaafa Kaarshe “

Heemaaln

Suldaanka Habaryoonis Oo Sheegay In Muqdisho kusoo Weerareen Koox ka Amar Qaadata M/Biixi

Heemaaln