TikTok waxay dib ugu soo laabanaysa Mareykanka iyagoo ka shaqeynaya si adeegooda loo heli lahaa. Waxay u mahadceliyeen Trump , si ay u sugaan illaa Isniinta marka xafiiska uu la wareego iyo tallaabooyinka uu qaadi karo, xilligaa oo go’aanka kama dambeysta ah ay qaadan karaan.
Trump ayaa la filaya 90 maalmood inuu dib u dhigo marka uu xafiiska la wareego go’aanka maxkamadda sare ay ku taageertay barta bulsho ee TikTok in laga xiro Mareykanka
Madaxa shabakadda Tiktok ayaa qeyb ka ah dadka uu Trump ku casuumay xalfadiisa caleema-saarka, tan oo qeyb ka ah dadaallada uu Trump isku dayayo inuu ka hortago xiritaanka TikTok ee gudaha Mareykanka
Trump ayaa muddo xileedkiisii hore bilaabay qorshaha lagu mamnuucayo Shabakadan hase ahaatee markii meel walba laga mamnuucay Trump waxay ahayd barti lagu soo dhaweeyay oo door weyn ku lahayd ololihiisa doorashada abaalkaasoo bedelay mowqifkii uu markii ka qaatay.
TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada aabka shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.
Wareysi uu siiyay telefishanka NBC ee dalkaan Mareykanka, ayuu Trump ku yiri “90 maalin oo dheeraad ah ayay u badnaan doontaa in la siin doono, sababtoo ah waa waxa ugu habboon. Haddii aan taasi go’aansanno waxay u badnaan doontaa inaan ku dhawaaqo Isniinta.”
Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah ka helay isticmaalka aaladdaan.
Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.