Weerarka uu fuliyay ninka hubeysan ayaa ka dhacay iskuul lagu magacaabo Dreierschutzengasse oo kuyaalla magaalada Graz, waxaana weerarkan ku dhintay dad badan , halka ay ku dhaawacmeen tiro kale , kuwaa oo lagu daweenayo xarumo caafimaad.
Duqa magaalada Graz Elike Kahr, ayaa sheegay in weerarka ku dhinteen 10 qof , halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 30 qof, kuwaa oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo aad u culus oo loola tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Booliiska magaalada Graz , ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan weerarkan dadka badan lagu dilay , mana cadda ilaa hadda sababta keentay weerarka ninkan dadka badan ku laayay.