Heemaal News Network

Toogasho Dad Lagu Laayey Oo ka Dhacday Masjid ku yaalla Dalka Cumaan..

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 28 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday masaajid ku yaalla dalka Cumaan. Weerarkan oo kale waa naadir gudaha dalka Cumaan.

Weerarkan ayaa ka dhacay Wadi al-Kabir, oo ah degmo dhanka bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Muscat, xilli ay socotay munaasabad diini ah oo ay lahaayeen Shiicada.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dad ku sii cararaya agagaarka Masjidka Imaam Cali, iyadoo rasaas la maqlayo kadibna waxaa xigay cod leh “Ilaahoow!”

Afar Pakistani ah iyo nin booliis ah ayaa ka mid ah dadka dhintay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan iyo cid wali la soo qabtay.

Safaaradda Mareykanka ee Muscat ayaa soo saartay digniin amni ka dib toogashada, waxayna baajisay dhammaan balamaha fiisaha ee Talaadada maanta ah. “Muwaadiniinta Mareykanka waa inay feejignaadaan, la socdaan wararka gudaha iyo inay raacaan tilmaamaha maamullada maxalliga ah,” safaaradda ayaa sidaas ku soo qortay X.