Heemaal News Network

Toogasho Dhimasho Sababtay Oo ka Dhacday Magalada Tel aviv (Sawirro)

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay baabuur marayay waddo weyn oo u dhow magaalada Tel Aviv ee Israa’iil Talaadadii, isagoo dilay nin booliis ah afar qofna dhaawacay

Ninkan ayaa waxaa toogasho ku dilay qof hubeysan oo waddada marayay, sida ay sheegeen booliiska Isra’iil.

Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujinayay in ninka hubeysan uu u soo dhawaaday wadada weyn isagoo lugeynaya, waxa uu toogtay nin booliis ah ka dibna waxaa uu sii watay rasaas ka hor inta uusan dilin qof rayid ah oo hubeysan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

“Waqti yar ka hor ayaa argagixisadu waxa ay soo gaateen wadada wayn ee ku xigta Tel Aviv, ee xigta Yavne, waxayna bilaabeen inay ku toogtaan baabuur booliis ah, ka dibna wuu sii socday oo waxaa uu toogtay baabuur kale oo ku dhaawacay dadkeena,” ayuu yiri afhayeenka booliska Mirit Ben..

“Nasiib wanaag waxa dilay muwaadin hubeysan jidka ku marayey” ayuu intaas raaciyey

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ku saabsan cidda uu ka tirsan yahay iyo halka uu ka yimid ninkan dilka iyo dhaawaca ka geystay Israel.

Dhowaanahan waxaa magaalooyinka Israel ku soo badanayey toogashooyinka noocan ah ee lagu beegsanayo dadka Yuhuuda ah, kuwaasoo ay geysanayaan falastiiniyiin u aargudaya shacabkooda ay xasuuqa lagu hayo.