Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale lagu dhaawacay garsoore kale , isla markii ay ciidanka amniga Iran iskudayeen inay qabtaan ninka weerarka fuliyay, waxaa la sheegay inuu is dilay, isagoo ka hortagaya in gacanta lagu dhigo, sida ay sheegtay IRNA.
Hay’adaha ammaanka Iran gaar ahaanna hay’adda nabad-sugidda ayaa sheegtay inay baarayso sababta ka dambeysay weerarka iyo haddii ay cid kale soo abaabushay, iyagoo kaliya xaqiijiyay inuusan jirin wax kiis ah oo maxkamadda ka yaalay ama labada garsoore ee la dilay ay gacanta ku hayeeen oo ka dhan ah ninka weerarka fuliyay.
Balse, garsoore Mohammad Moghiseh, oo ka mid ah labada garsoore ee la dilay waa nin ay si weyn u garanayaan dadka Iran oo waxaa lagu yeeri jiray ‘ xaakimkii daldalaada’, sabab la xiriirta wuxuu go’aamiyay xukumada ugu badan ee lagu riday dadka loo xiray arrimo siyasadeed iyo edeymo la xiriira khiyaano qaran iyo argagixiso, kuwaa oo dhammaan uu ku riday xukun daldalaad ah, taa oo ka dhigtay xaakim laga cabsado oo dad badan ay nacayb u qaadeen gudaha Iran.