Heemaal News Network

Toogasho Shan Qof Lagu Dilay Oo ka Dhacday Kaniisad ku Taala Ruushka

Weerarro toogasho ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalooyinka Derbent iyo Makhachkala ee ka tirsan is maamulka Dagestan ee Ruushka.

Waxaana weerarrada la sheegay in ka badan 5 qof in lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay, iyadoo weerarradan lala beegsaday kaniisad Ortodokska iyo xarun boolis, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.