Kulanka labada hoggaamiye oo si deggan ku bilowday, wuxuu si dhaqso ah u noqday mid is qabqabsi dhaliya, kaddib markii Trump uu si kulul u eedeeyay dowladda Koonfur Afrika, inay ku lug leedahay faquuq ka dhan ah dadka cadaanka ah ee u dhashay Koonfur Afrika
Si uu u xoojiyo eedeymihiisa wuxuu la soo baxay sawirro iyo muuqaallo uu ku sheegay inay tixraac u yihiin ficillada ka dhanka ah cadaanka ee ka dhacaya gudaha Koonfur Afrika oo ay ka muuqanayeen guryo la gubay iyo xabaalo
Ramaphosa ayaa si cad u diiday eedeyntaasi, isagoo sheegay in aysan jirin siyaasado dawladeed oo ka dhan ah dadka cadaanka, waxyaabaha ka dhaca dalkiisana ay yihiin fal dambiyeedyo iska caadi ah.
Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay dawladda Koonfur Afrika inay si sharci darro ah u qaadato dhul, isagoo sheegay in dadka cad-cad lagu cadaadiyo. Ramaphosa ayaa ka jawaabay, isagoo sheegay in dawladda aysan si sharci darro ah u qaadan dhul, balse ay jirto siyaasad lagu hagaajinayo sinnaanta dhulka ee dalka.
Kulanka kaddib, madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika aysan u baahnayn in Mareykanka uu farageliyo arrimaha gudaha ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in Koonfur Afrika ay leedahay awood ay ku xalliso dhibaatooyinkeeda, isla markaana aysan aqbali doonin in cid kale isku daydo inay farageliso.
Trump wuxuu kulanka u adeegsaday sidii fursad uu taageerayaashiisa gudaha ugu muujin lahaa inuu yahay difaace u taagan dadka cadaanka ah, gaar ahaan kuwa dareensan in la takoorayo, halka Ramaphosa dhankiisa uu isu muujiyay inuu yahay hoggaamiye difaacaya madax-bannaanida Koonfur Afrika, wuxuu sidoo kale muujiyay inaan Koonfur Afrika la cabsi gelin karin, mana aqbalayso in laga yeelo dal hooseeya oo amar la siiyo. Wuxuu adeegsaday diblomaasiyadiisii u sarreysay, balse waxay u muuqatay inuu Trump uu si kadis ah arrimahan uga hadlay oo eedeymo aan raad lahayn u soo bandhigay.