Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa hadal uu goor dhow soo saaray wuxuu ku sheegay inuu maamulkiisa ka taageerri doono Soomaaliya , sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Sidoo kale uu taageerayo sidii ay barwaaqo u gaari lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku taageeri doonnaa sidii loo burburinlahaa argagixisada dalkoona uu barwaaqo u noqon lahaa” ayuu intaas ku daray Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa X ee horey lo oran jiray Twitter.
Waxaa uu markii u horreysay sheegay inay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, saraakiishooda iyo xubnaha dagaalyahannadooda isku dayayaan inay gudaha u galaan Soomaaliya
“Dadka Soomaaliyeed waa inaysan u ogolaan Xuutiyiinta inay soo dhex galaan oo ay ku dhex dhuuntaan dalkooda” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump