Heemaal News Network

Trump oo dhexda ka fadhiya fadeexad iyo ceeb Diblomaasi

Trump, ayaa dhexda u galay fadeexad iyo ceeb diblomaasiyadeed oo uu kala kulmayo, inuu adeegsaday sawirro been abuur ah oo aan la xiriirin Koonfur Afrika, inta uu Aqalka Cad ka socday kulanka uu la qaatay madaxweynaha Koonfur Afrika, oo uu ku eedeeyay in xasuuq loogu geysto dalkaa dadka cad-cad

Sida ay xaqiijisay Reuters, sawirrada uu la soo baxay Trump, oo uu ku sheegay dhacdooyin ka dhacay Koonfur Afrika, waxay noqdeen sawirro hore oo laga qaaday dalka Congo.

Booqashada Ramaphosa ee Aqalka Cad oo u jeedku ahaa hagaajinta xiriirka ay la leeyihiin Washington ayaa sidoo kale timi todobaad ka dib markii uu Maraykanku magangelyo siiyey ku dhawaad 60 Afrikaanaska, iyada oo Koonfur Afrika ay dhibsatay arintaasi.

Taa baddalkeeda, Trump ayaa kaga yaabsaday Ramaphosa intii lagu jiray shir jaraa’id oo toos ah oo si weyn loo cambaareeyay sheegashada “xasuuq cad” ee Koonfur Afrika.

Waxa uu daaray muuqaal muujinaya mudaharaad ay ku muujinayaan kumanaan isgoosyo jid gooya ah – isaga oo ku andacoonaya in ay ahaayeen goobo lagu aasay beeralayda caddaanka ah ee la dilay.

Waxa uu Ramaphosa u dhiibay wax u muuqday daabacaadda sheekooyinka dadka caddaanka ah ee lagu weeraray Koonfur Afrika. Trump waxa uu sheegay in uu marti u yahay uu ka doonan doono “sharaxaadda” sheegashada “xasuuqa” cadaanka ah ee ka socda Koonfur Afrika, taas oo si weyn loogu hungoobay.