Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tirtiray qoraal muran dhaliyay oo uu ku baahiyay baraha bulshada, kaasoo watay sawir AI ah oo isaga u muujinayay sida ciise masiixi arrin dhalisay caro ka timid qaar ka mid ah taageerayaashiisa diinta ku adag.
Sawirka oo lagu daabacay madasha Truth Social ayaa muujinayay Trump oo xiran dhar cad iyo maro guduudan, isagoo la mid ah Ciise, isla markaana bogsiinaya bukaan, iyadoo diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan.
Trump ayaa sawirkaasi ku sheegay inuu iska dhigayay qof Dhakhtar ah oo dadka caafimaadkooda hagaajinaya.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli uu sii xoogeysanayo khilaaf u dhexeeya Trump iyo hoggaamiyaha Kaniisadda Katooliga Pope Leo, kadib doorkii Mareykanka ee weerarrada Iiraan.
Qoraaga muxaafidka ah Megan Basham ayaa si kulul u cambaareysay, iyadoo ku tilmaantay falka mid aflagaado diimeed ah, kuna baaqday in Trump raalli-gelin bixiyo.
Inkasta oo qoraalka la tirtiray, Trump ayaa diiday inuu raalli-gelin bixiyo, isagoo sheegay in Pope Leo uu isagu sheegay waxyaabo khaldan, taasoo sii hurisay muranka.



