Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka , Donald Trump wuxuu doonaya muddo xileedkiisa inuu Mareykanka ku hoggaamiyo sidii uu u qabsan lahaa dhul badan , kaddib markii uu maanta sheegay inuu doonayo gacanta Mexico inuu u beddelo gacanta Mareykanka — hadalkan oo ay ka horreysay inuu sheegay inuu doonayo qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland, xitaa haddii laga maarmi waayo inuu adeegsan doono awood ciidan.
Hadalka wuxuu yimid, xilli maanta wiilka Trump uu ku tagay diyaaradda gaarka ee Trump jasiirada Greenland ee hoostagta dalka Denmark, halkaa oo ay dadkii soo dhaweeyay xirnaayeen koofiyada uu ololaha doorashada ku galay Trump.
Haddii uu Trump ka dhabeeyo qorshaha qabsashada dhulalka ka baxsan Mareykanka , markaa wuxuu dhiirrigelinaya waddamada dunidda inay u deg degaan inay gaaraan dhulalka istiraatijiga u ah iyo kuwa lagu muransanyahay oo ku jirto inan aragno Shiinaha oo dedejinaya qorshaha uu ku gaarayo Taiwan. Xataa xaaladan waxaa lagu arki kara Afrika oo Morocco ayaa u degdegi doonta inay la wareegto saxaraha galbeedka.