Heemaal News Network

Trump oo la kulmay Madaxweynaha Suuriya shuruudo adagna hordhigay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa magaalada Riyaadh ee caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabya , kulan si weyn loo wada sugayay waxa uu maanta kula qaatay Madaxweynaha dalka Suuriya Axmed Shiraac.

Kulanka ay yeesheen Madaxweyne Trump iyo Sharac waxaa goobjoog ka ahaa Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Madaxweynaha Turkiga oo fogaan arag uga qeyb galayay kulanka, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo muhiim ah.

Madaxweyne Trump, ayaa si diiran usoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Suuriya, waxa uuna sheegay in diyaar u yahay in xiriir la yeeshaan Suuriya, waxa uuna hordhigay Madaxweynaha Suuriya fulinta dhoor shuruud uu Mareykanka doonayo.

Shuruudaha Madaxweyne Trump hordhigay Madaxweynaha Suuriya, ayaa waxaa kamid ah in xiriir diblumaasiyadeed la yeesho Israa’iil, in Suuriya dalkeeda ka saarto dagaalyahandad ajaaniibta ah ee Shirac gacanta ku siiyay in talada Suuriya la wareego.

Waxaa sidoo kale shuruudaha Trump ku xiray Madxaweyne Shirac kamid ah , in Suuriya laga saaro xubnaha Falastiiniyiinta ah ee katirsan ururada la dagaalla Israa’iil iyo in dowladda Suuriya la wareegto xabsiyada ay ku xiran yihiin xubnaha katirsan Dacai8sh.

Madaxweynaha Suuriya , ayaa horey u sheegay in diyaar u yahay in xiriir diblomaasiyadeed la sameystaan Israa’iil, haddii la soo bandhigo shuruudo ay ku qanacdo Suuriya, lamana oga sida dowladda Suuriya u fullin doonto shuruudahan cusub uu Trump ku xiray.

Madaxweyne Trump, ayaana xalay ka qaaday dowladda Suuriya cunaqabateyn muddo dheer saarneed, taas oo si weyn looga soo dhaweeyay gudaha Suuriya, waxa uuna hoggaamiyaha Suuriya durba gaaray guulo waa weyn oo diblumaasiyadeed.