Isbeddelka laga arkay dhinaca Trump, waxaa qeyb ka ah inuu Trump, wax wargelin oo la xiriira socdaalkiisa bariga dhexe la wadaagin Netanyahu , waxaa kaloo uu meesha ka saaray dadaalladii uu ku doonayay inuu ku cadaadiyo Sacuudiga si ay u helaan warshadaha tamarta nukliyeerka inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israa’iil.
Trump ayaa la sheegay inta uu ku sugan yahay Riyadh inuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga la gaari doono heshiis difaac oo aan shuruud lahayn oo ay ku jirto wareejinta gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35 oo Sacuudiga uu markii u horreysay ka heli karo Mareykanka, mana uusan dooneyn Netanyahu in heshiis nooca ay uu Mareykanka la gaaro Sacuudiga.
Warkan oo soo baxay toddobaadkii hore ayaa la xaqiijiyay in Trump uu xorriyad u siiyay Netanyahu kaligii inuu go’aan ka gaaro mustaqbalka Qasa, tan oo shaki gelinaysa xiriirka la sheegay Trump inuu u jaray Netanyahu, in looga danleeyahay hoggaamiyayaasha khaliijka ee uu la kulmayo Trump inaysan kala hadlin wax la xiriira xaaladda Qasa ama aysan shuruud ku xirin heshiisyada ugu sarreeyay taariikhda oo la filayo inuu Trump la gaaro hoggaamiyayaasha Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka ee uu la kulmayo.