Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa hadda kala noqon kara sharciga in ka badan 500,000 oo muhaajiriin ah oo ku nool Mareykanka, maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa xukuntay Jimcihii.
Xukunka ayaa hakiyay amarkii hore ee xaakim federaali ah oo maamulka uga hortagayay inuu soo afjaro barnaamijkii socdaalka ee uu bilaabay madaxweynihii hore Joe Biden kaasoo lagu ilaalinayay soogalootiga ka cararaya qalalaasaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalkooda.
Amarka cusub ayaa dhigaya in ku dhawaad 530,000 oo muhaajiriin ah oo ka yimid Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay halis ugu jiraan in la tarxiilo.
Garsoorayaasha Ketanji Brown Jackson iyo Sonia Sotomayor, oo ah laba ka mid ah saddexda garsoore ee maxkamadda, ayaa diiday.
Maamulka Trump ayaa racfaan deg deg ah u gudbiyay maxkamadda sare kadib markii garsoore federaal ah oo ku sugan Massachusetts uu maamulka ka hor istaagay joojinta barnaamijka, oo sidoo kale loo yaqaanno cafiska bini’aadantinimo ee CHNV.
Aqalka Cad ayaa “u dabaaldegay” fursadda ah in dalkaas laga saaro 500,000 “soo duulay,” ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Stephen Miller ayaa sidaa u sheegay CNN. “Maxkamadda sare way saxan tahay.”