Heemaal News Network

Trump Oo Qorsheynaya inuu iibiyo fiisaha Cusub Oo la Dhaho “Gold Card”

Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu iibiyo fiisaha cusub oo la dhaho “Gold Card” kaas oo qofka hela u ogolaanaya deganaashaha Mareykan ah iyo waddadii uu ku heli lahaa ugu danbaynta dhalashada Maraykan, qof walba oo raba fiisahan ayaa laga rabaa in bixiyo lacag dhan $5 milyan. Barnaamijkan ayaa wuxuu beddeli doonaa fiisaha EB-5, kaasoo horey loogu eedeeyay musuqmaasuq iyo maalgashi aan la hubin.

Fiisahan cusub ma laha shuruudo adag sida abuurista shaqooyin, wuxuuna u furan yahay qof kasta oo maalqabeen ah. Trump ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisu iibin karto ilaa 10 milyan oo fiiso ah si loo yareeyo daynta qaranka. Barnaamijkan ayaa waxa uu dhalin karaa muran sharci haddii aanu gollaha Kongareesku oggolaan.