Heemaal News Network

Trump Oo Sabab yaab Leh u Bedelay Miiskii yaalay Xafiiskiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Maraykanka ayaa iska beddelay Miiska xafiiskiisa aqalka cad, kaddib markii uu duuf mariyey wiil yar oo uu dhalay maalqabeenka adduunka Elon Musk oo ay aad u saaxiib yihiin Trump.

Dad badan oo Maraykan ah ayaa dhaliilay tallaabadan, maadaama oo uu miiskani yahay miis taariikhi ah oo mrkii ugu horreysay xafiiska la dhigay sannadkii 1961 kii xilligii madaxweyne John F. Kenedday.

Wiilka Elon Musk, Afar sanno jir lagu magacaabo X, ayaa toddobaadkii hore barnaamij talefishan laga daawaday isaga oo sanka faraha kula jira, kaddibna ku masaxaya Miiska, xilli uu la socday aabihii oo ay isaga iyo madaxweynuhu waraysi toos ah ku bixinayeen xafiiska.

Miiskan waxaa lagu beddelay miis uu isticmaali jiray madaxweynihii George Bush oo ka mid ah lix miis oo madaxweynaha Maraykanku isticmaalo.

Sagaal madaxweyne oo ka dambeeyey John F. Kennedy ayaa jeclaystay in aanay beddelin miiskan uu isticmaalay madaxweynaha sida weyn looga qaddarin jiray dalkaas oo khaarajinta lagu dilay.

Trump oo arrintan qiray ayaa bartiisa X ku qoray in miiskaas shaqo muhiim ah oo dib u qurxin ah lagu soo samayn doono.

Madaxweyne Trump ayaa caan ku ah saska iyo shaki weyn oo uu ka qabo jeermiska.

Elon Musk wiilkiisan oo dhashay 2020 kii, waxa uu u bixiyey X Æ A-12 Musk, oo u soo gaabsan xaraf xisaabeedka metela tirada maqan ee X iyo xarfaha kale oo u taagan kelmado la xidhiidha Teknoolajiyada iyo garaadka-aadame sameega ah iyo tirada 12.

Magacan muran badan ayaa ka dhashay markii maxkamadda California ay diiday in ay diiwaangeliso maadaama oo sharcigu mamnuucayey in magaca qofka lagu daro tirooyin ama xarfo gaar ah. taas oo ugu dambayn lagu xalliyey in Elon uu magaca u beddelo; X Æ A-Xii Musk