Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu Mareykanka dhammeystiri doono mashruuca lagu dhisayo diyaaradda jiilka lixaad ee ciidanka cirka Mareykanka , iyadoo diyaaradan oo ay dhiseyso shirkadda Boeing uu Trump ku dhawaaqay in loo bixin doono F-47.
Trump wuxuu ku sheegay diyaaradan inay noqon doonto mid aan horey dunidda loo qiyaasin in dagaallo loo adeegsado! Wuxuu caddeeyay inay diyaaradan si tijaabo ah oo qarsoodi ah muddo shan sanno ah u duuleysay, isaga oo intaa ku daray in F-47 ay ku qalabaysan yihiin tignoolajiyada casriga ah ee qarsoodiga ah, oo aan la arki karin, isla markaana leh awood aan hore loo arag. Muddo xileedka Trump inta uusan dhammaan ayaa la filaya in diyaaradan si rasmi ah loogu oggolaado milatariga Mareykanka inay adeegsan karaan , iyadoo kharaashka hordhaca ah ee la oggaaday diyaaradan inuu ku baxayo lagu sheegay 20 bilyan oo dollar.