Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa si rasmi ah cafis ugu fidiyay wiilkiisa, Hunter Biden, kaas oo lagu waday in bishan maxkamaddu xukunto.
Wiilka Biden ayaa loo heystay dembiyo la xirriira inuu si sharci darro ah u heystay hub iyo canshuur khiyaameyn ah.
Madaxweyne Biden ayaa hore u sheegay, inuusan cafis u fidin doonin wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sanadaha ay maxkamaddu xukunto.
Hunter Biden, ayaa bishii Septeembar qirtay dacwaddan lagu soo oogay, waxaana lagu helay inuu isticmaalayay daroogo sharci darro ah, isagoo noqday canugii ugu horreeyay ee madaxweyne xil hayya oo dacwado lagu soo oogo.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa cafiska ku tilmaamay “tacaddi iyo cadaalad dhicisoowday” iyadoo qaar kamid ah xubnaha Jamhuuriga ay Joe Biden ugu yeereen “beenaale”.
Joe Biden ayaa haatan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo cafis u fidiyo wiilkiisa.