Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa salaam sharaf la qaatay Trump markii uu gaaray magaalada Riyadh.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu ku soo laabanayo “Bariga Dhexe oo taariikhi ah”, booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu ku tago madaxtinimadiisa labaad, halkaas oo uu diiradda saari doono “xoojinta xiriirka”.
Trump ayaa la filayaa in uu diiradda saaro sidii uu Mareykanka u heli lahaa maalgashi dhaqaale oo waaweyn iyo in uu galaangal diblomaasiyadeed ku sameeyo arrimaha gobolka, oo ay ku jiraan xabbad joojinta Gaza iyo wadahadallada caadiga ah ee Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil.
Sacuudi Carabiya, oo ah booqashadiisa ugu horreysa, Trump wuxuu rajeynayaa inuu $ 1 tiriliyan maalgashi ku sameeyo warshadaha Mareykanka Amiir Maxamed bin Salmaan, taasoo kor u qaadeysa ballan-qaadkii dhaxal-sugaha ee hore ee $ 600bn.
Safarka cusub ee Trump ku tagay khaliijka waxaa ku wehliya wafdi aad u heer sareeyo waxaana ka mid ah Wasiirada Difaaca, Arimaha Dibada iyo midka maaliyada, sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigaan saraakiil sar sare iyo ganacsatada ugu waaweyn Mareykanka oo uu Hormuud u yahay Elon Musk.
Inkastoo Trump uu joogo mandaqada Bariga Dhexe hadana wuxuu diiday booqasho inuu ku tago Israel, isagoo booqashadiisa ku xiray shuruud adag oo ah joojinta dagaalka Gaza.
Trump ayaana mudada uu Khaliijka joogi doono heshiisyo ku kacayo in kabadan 2 Trillion Dollar la gali doono madaxda dalalka Qatar, Sacuudi iyo Imaaraatka, Trump ayayna markaan u muuqataa in lacagta Khakiijka uu ka doortay Lubigii yuhuuda.