Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeri doono Israa’iil haddii ay go’aansato inay dib u billowdo ololaheeda militari ee Qasa.
La heystayaashu “waxay u muuqdaan kuwo xaalad fiican ku jira!” Trump ayaa sidaa ku qoray bartiisa Truth Social.
“Israa’iil ayaa haatan go’aansan doonta waxa ay sameyn doonto abbaaro 12:00 saac, maanta, waqtiga kama dambeysta ah ee la soo rogay sii deynta dhammaan la heystayaasha. Mareykanku wuu taageeri doonaa go’aanka ay qaataan!”
Waqtiga kama dambeysta uu Trump ka hadlayo waa horraantii toddobaadkan markii Xamaas laga doonayay inay sii daayaan “dhammaan” la heystayaasha duhurka maanta. Ma cadda waqtiga dalka uu ka hadlayo – balse Trump ayaa hore u sheegay in Israa’iil ay tahay inay soo hurgufto “dhammaan naarta” haddii aan loo hoggaansamin waqtiga kama dambeysta ah.
Billowgii toddobaadkan, Xamaas ayaa sheegtay inaysan sii deyn doonin dhammaan la heystayaasha, iyadoo sheegtay in Israa’iil ay carqaladeysay qodobbada xabbad-joojinta.
Raysal wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ka digay inuu soo afjari doono heshiiska xabbad-joojinta haddii kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta aysan Sabtida sii deyn la heystayaasha – taasoo dhalisay jahwareer ku aaddan in dhammaanba 73-da la heyste la filayo in maanta la sii daayo.
Qorshaha in dhammaan la heystayaasha maanta la sii daayo qeyb kama ahayn heshiiska xabbad-joojinta, balse waxaa jiray walaac sii kordhaya oo toddobaadka dhan laga qabay in dagaalku dib u bilaaban doono.