Heemaal News Network

Trump,Oo Sheegay in Cunaqabateynta Uu ka Qaadi Doono Suuriya iyo Trump Tower

Trump, ayaa sheegay inuu diyaarinayo sidii uu cunaqabateynta uga qaadi lahaa Suuriya, isagoo sheegay in tallaabadan uu ka codsaday Erodogan . Wuxuu intaa ku daray in go’aankan looga danleeyahay in Suuriya loo furo bog cusub.

Hadalkan, ayaa ku soo beegmaya xili ay baahisay Reuters, oo soo xigatay ilo ku dhow Aqalka Cad, in madaxweynaha Suuriya oo la filayo inuu Trump kula kulmo Sacuudiga, inuu soo bandhigayo Dimishiq in laga hirgeliyo dhismaha Trump Tower, oo noqonaya xarun ganacsi oo u fududeynaysa Mareykanka iyo Israa’iil inay galaangal ku yeesheen shidaalka iyo gaaska Suuriya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa qorshaynaya in uu magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ka taago Fooq uu ugu magacdaray ‘Trump Tower’ tan oo la sheegey in fududaynayso kulan dhexmara Madaxweynaha Mareykanka oo todobaadkan ku wajahan Bariga-dhexe, iyada oo Al-Sharac uu doonayo in Trump uu cunaqabataynta mudada-dheer ka qaado Suuriya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Eric Trump oo uu dhalay Madaxweyne Trump ayaa dhawaan sheegey in magaalada Jidda ee Sucuudi Careebiya laga bilaabay fooqa Trump Tower.