Turkiga iyo Masar ayaa yeeshay laba wareeg oo wada-hadallo ah oo ku saabsan Afrika iyo Liibiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in wada-hadalladaas diiradda lagu saaray arrimaha Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Wadahadalladan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Ihab Cawad iyo Elif Ulgen oo ah agaasimaha guud ee bariga iyo koonfurta Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka gaareen heshiis iyo isfaham ku saabsan qaababka loo ilaalin karo ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, taasoo u ogolaanaysa dib u soo celinta maraakiibta Badda Cas.
Waxa ay intaasi ku dartay in Turkiga iyo Masar ay xoojin doonaan iskaashigooda si ay u gaaraan hadafkooda guud ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”, iyagoo dhinaca kale ka taageeraya Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan la-dagaalanka argagixisada” iyo dhismaha ciidankeeda qaranka.
Masar iyo Turkiga ayaa taageeray dhinacyada iska soo horjeeda ee isku haya Liibiya, iyadoo Qaahira ay taageerto ciidamada xoogga ah ee fadhigiisu yahay bariga ee Khalifa Haftar, halka Turkiga uu taageero xooggan siiya maamullada fadhigoodu yahay caasimadda Tripoli.
Si kastaba ha ahaatee, Turkiga iyo Masar labaduba waxay taageero u fidiyeen Soomaaliya, iyadoo Ankara ay bishii February la saxiixatay dowladda Soomaaliya heshiis taariikhi ah oo dhanka difaaca ah kaasoo Turkigu ku ilaalinayo oo uu difaaci doono badda Soomaaliya.
Masar waxa ay sidoo kale Soomaaliya la saxiixatay iskaashi milateri, kaas oo dhigaya in ciidamada Masar la geeyo dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah.
Talaabadan Masar ay qaaday ayaa la rumeysan yahay inay ku wajahan tahay Itoobiya oo Soomaaliya ku eedeysay inay faragelin ku heyso arrimaheeda gudaha ka dib heshiiskii badda ee Addis Ababa iyo Somaliland.