Heemaal News Network

Turkiga oo Arrin Xasaasi ah ka Taageeraya dowlada Somalia

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Turkiga Turkish Embassy in Mogadishu u fadhiya Soomaaliya, Mudane 𝐀ðĨðĐ𝐞ðŦ 𝐀ðĪð­ðšðŽĖ§.

Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo hortabin u leh doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka iyo sidii dawladda walaalaaha nahay ee Turkiye dowr wax-ku-ool ah iyo wada shaqeyn buuxda ula yeelan lahayd GMDQS.

Gudoomiyaha ayaa la wadaagay safiirka intii uu kulanku socday hawlaha u qabsoomay Guddiga intii uu dhisnaa iyo qorshaha u degan ee la xiriira qabasha doorasho qof iyo cod ah xilliga loo asteeyey.

Safiirka ayaa uga mahad celiyey GMDQS sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyeen xarunta guddiga, gaar ahaan xafiiska guddoomiyaha guddiga, isaga oo balan qaaday in dhinacyo badan oo la xiriira doorashooyinka ay ka caawin doonaan Guddiga Maadaama Guddiga cusub yahay hawlo badanna ay hor yaalaan.

Ugu danbeyntii Guddomiyaha GMDQS iyo Safiirka ayaa isla qaatay in kulamada noocaan oo kale ah ay si joogto ah u dhacaan markii loo baahdo si xog-isweydaasi iyo wada-tashi joogta ah ay u yeeshaan GMDQS iyo Safiirka Safaaradda dalka Turkiya.