Heemaal News Network

Turkiga Oo Beeniyay in Xafiiskii Siyaasadda Xamaas Ee Dooxa loosoo Raray Turkiga

Turkiga ayaa beeniyay in ururka Xamaas uu usoo raray Turkiga xafiiskiisa siyaasadda ee Dooxa, tani waxay timid markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay inay Xamaas ka guureen Qatar oo ay xafiiskoodii u rareen Turkiga.

Doha ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay ku wargelisay Xamas iyo Israa’iil inay joojineyso dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo xabbad joojin ka dhacda Gaza iyo heshiis lagu sii daynayo la-haystayaasha ilaa ay ka muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in wararka ay warbaahintu qortay ee ah in Xamas ay u sheegtay in ay dalka ka baxdo aysan ahayn mid sax ah.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa si kulul ugu dhaleeceeyay Israa’iil weerarrada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan, islamarkaana uma aqoonsan Xamas urur argagixiso. Qaar ka mid ah saraakiisha siyaasadda Xamas ayaa si joogto ah u booqda Turkiga.

Xamaas ayaa wajahaysa cadaadis lagu doonayo inay ku oggolaadaan heshiis kumeel-gaar ah oo ay maxaabiista ku sii daayaan, taa haddii aysan ku dhaqaaqina ay lumin karaan joogitaankooda Qatar.

“Xubnaha xafiiska siyaasadda ee Xamas ayaa marar badan booqda Turkey,waxayna wararku tilmaamaya in Xafiiska Siyaasadda Xamas uu u guuray Turkey, kama tarjumayaan xaqiiqda,” ayuu yiri ilo-wareedka diblomaasi.