Heemaal News Network

Turkiga oo heshiis la galay Falastiin iyo ciidamo loo tababarayo

Barta rasmiga ah ee faafinta dawladda Turkiga ayaa lagu baahiyay maanta heshiis la sheegay dawladda Turkiga inay la gashay dawladda Falastiin, kaasoo la xiriira amniga , iyadoo heshiiska uu dhigayo inuu Turkiga tababaro ciidamo loogu yeeray fulinta sharciga Falastiin.

Turkiga ayaa sidoo awood u yeelanaya inuu ciidamo u diro Daanta Galbeed ee la heysto si halkaa ciidamo loogu tababaro ama tababarku wuxuu ka dhici karaa gudaha Turkiga.

Heshiiska uu hadda saxiixay madaxweynaha Turkiga , waxaa lagu saxiixay magaalada Ramallah oo xarun u ah maamulka, Maxamuud Cabbaas — 24 bishii May ee sannadkii 2022.

Turkiga wuxuu heshiiskan u adeegsan karaa , hab uu sidoo kale ku tababari karo dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta oo ay ku jirto Xamaas, isagoo u adeegsanaya sharciyada heshiiskan.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera maamulka Falastiin, waxa ayna Turkiga sidoo kale taageero u fidiyeen ururka Xamaas ee dagaalka kula jira Israa’iil.