Qatar oo ah xulafada khaliijka ee Turkiga ayaa maanta qeyb ka ahayd dhoolatus ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, Giriiga, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ku sameeyeen hawada Gariiga meel aan ka fogeyn xadka Turkiga.
Talaabadan ayaa ka dhigan in ay soo raacday Qatar, cadowga Turkiga, iyadoo laga dheregsan yahay hiiladii uu Turkigu isku garab taagay Qatar markii ay go’doomiyeen dalalkii carabta ee walaalahood ahaa sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain
Dhoolatuska ma aha inay qeyb ka tahay Israa’iil oo kaliya ee waa in ujeeddada dhoolatuska uu yahay farriin ku socota Turkiga, xilli toddobaadyadii u dambeeyay saraakiisha Giriiga ay warbaahinta marinayeen hadallo ka dhan ah Turkiga.
Sababta ay Israa’iil ugu lug leedahay ayaa sidoo kale ah carada ay ka qaaday qorshaha Turkiga ee Suuriya , maaddama uu ku howlan yahay Turkiga inuu xiro hawada Suuriya, si taas looga jawaabo waxay u muuqataa inay Israa’iil cadaadis ku furayso Turkiga.
Docda kale, dalalka Islaamka suurtagalnimada iskaashi difaac oo ay yeeshaan, waxaa waqtigan la arko waa inay ka badan tahay iskaashiga ay la leeyihiin , cadowgooda u socda burburinta mid kasta oo ka mid ah.